|

QM oo ku baaqday in la dhawro Suxuufiyiinta Soomaaliya

Muqdisho (QJ) -Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa muujiyay doorka muhiimka ah ee suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin wax ka qabashada caqabadaha ka jira dalkooda, waxayna ku boorisay in la kordhiyo ilaalinta suxuufiyiinta.

Soomaaliya gudaheeda, Qaramada Midoobay waxay taageertaa ka qaybgalka bulshada rayidka ah ee horumarinta xiriirka ka dhexeeya xuquuqda aadanaha iyo isbeddellada deegaanka – fahamka sida arrimaha deegaanka u saameeyaan xuquuqaha aasaasiga ah ee aadanaha sida xuquuqda nolosha, caafimaadka, iyo helitaanka cunto iyo biyo nadiif ah.

Iyada oo qayb ka ah dabbaaldegga sannad-guurada 75-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, Qaramada Midoobay waxay billowday ololeyaal warbaahineed iyadoo soo qabanqaabisay wada-hadallo dhallinyaradu ka yeesheen arrimaha deegaanka si ay u ururiyaan aragtidooda ku aaddan sida isbeddellada deegaanku u saameeyaan Soomaaliya.

Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, oo uu aasaasay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 1993-kii, ayaa hoosta ka xariiqaysa muhiimadda ay leedahay xorriyadda saxaafadda iyo ku dhaqanka sharciga, gaar ahaan marka la eego dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee adduunka haatan ka jira.

Comments are closed