|

Soomaaliya oo taageero ka heshay dalalka Quint Partners

London (QJ) -Wufuud ka kala socotay dalalka Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska, iyo Maraykanka – oo ay weheliyaan wakiillo ka socda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa ku shiray magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska, iyagoo ka wada hadlay arrimo khuseeya gobolka iyo taageerada Soomaaliya.

Wadamadan oo ku bahoobay ururka Quint Partners waxa ay qireen caqabadaha ka jira Geeska Afrika, waxayna ku baaqeen wadahadal iyo iskaashi. Waxa ay cadeeyeen in ay ka go’an tahay taageerida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo midnimadeeda.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha dib u eegista dastuurka Soomaaliya. Waddamada taageeraya waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda siyaasadeed ee dadaallada dib-u-heshiisiinta, gaar ahaan horumarradii ugu dambeeyay ee laga garay Amniga Qaranka.

xulafada waxay xaqiijiyeen inay taageerayaan xasiloonida Soomaaliya, waxayna isku raaceen in la xoojiyo dadaallada dib-u-habaynta laamaha amniga, oo ay ku jiraan wadaagga sirdoonka iyo tababarrada, iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gaba gabadii kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray muhiimada ay leedahay wadashaqeynta dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya si loogu guuleysto howlgallada cusub.

Quint Partners ayaa ku heshiiyey inay dib isugu yimaadaan shirkoodii sannadlaha ahaa ee Washington ka dhici doona dabayaaqada sanadkan.

Comments are closed