Ciidamda Kiinya oo dilay lix ka mid ahaaa kooxda Al Shabaab
Nairobi May 02, 2024 (QJ) – Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo saldhig ku lahaa deegaan lagu magacaabo Kumba oo ka tirsan gobolka Lamu oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada Booliska Kenya ayaa dagaal culus la galay xoogag hubeysan oo weerar ku qaaday deegaan fog oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana halkaasi ku dhintay lix ruux oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay soo qaadeen weeraro loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro iyo hub kale oo muhiim ah, taasi oo muujineysa khataraha joogtada ah ee kooxdan la beegsaday.
Qaar ka mid ah Al-Shabaabkii la weeraray ayaa lagu soo waramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, waxaana Booliska ay walaac ka muujinayaan dhibaatada ka dhalan karta baxsashadooda.
Sidoo kale, Boliska Kenya waxay xuseen in mid ka mid ah Maleeshiyada la dilay ee xiriirka la leh Kooxda Al-shabaab lagu sheegay inuu ahaa Ajnabi, balse aan asal ahaan ka soo jeedin Somalia iyo Kenya, iyadoo kuwa lagu dilay Hawlgalka Ammaanka aan la sheegin magacyadooda iyo halka ay ka yimaadeen.
Howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa daba socday xog sir ah oo ay heleen maamulka Kenya oo muujinaya in dagaalyahanada fadhigoodu yahay dhulka howdka ah ee Boni ay qorsheynayeen weeraro.