|

Saraakiil loo qabqabtay weerarkii SYL Hotel

Muqdishu March 24, 2024 (QJ) -Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaritaan ku sameeyay weerarkii dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho 14-kii March, 2024, ayaa gacanta ku dhigay 16 ruux oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarka.
Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxay shaaca ka qaaday inay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan C/naasir Daahir Nuur, oo ay ku sheegeen inuu ahaa shaqsigii fududeeyay in dableyda ay gudaha u galaan Hotelka SYL.
Sidoo kale, waxaa xabsiga la dhigay ilaa 4-qof oo lagu eedeeyay inay taageero dhanka saadka ah u fidinayeen kooxihii ka dambeeyay weerarkii Hotelka SYL.
Warbixintaan oo dhameystiran oo ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa lagu sheegay baaritaano ay wadaan ilaa 5-ruux oo ka tirsan Ciidamada Nabad Sugida Dowladda, kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay gacan saar la leeyihiin Maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay ku gacan siiyeen in ay gudaha u galaan goobihii ay weeraradu ka dhaceen.
Ugu dambeyn, Warka NISA ayaa lagu yiri “Dhammaan xubnaha la soo qabtay ee ka tirsan Shabakadda Argagixiso iyo Eedeysanayaasha kale ee loo haysto Kiiskan waxaa loo gudbin doonaa Hay’addaha Cadaaladda si loo Maxkamadeeyo si loo xaqiijiyo in Cadaaladda la horkeeno.

Comments are closed