QM, UNICEF iyo Soomaaliya oo kawadahadlay xuquuqda caruurta
Muqdisho March 24, 2024 (QJ) -Wasiirka Wasaaradda difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing iyo Madaxa Hay’adda UNICEF Wafaa Saciid.
Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso la dagaalanka askareynta carruurta, gaar ahaan kooxaha hubeysan iyo xadgudubyada kale ee ay la kulmaan carruurta.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Wakiilka UNICEF ayaa bogaadiyay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda carruurta.
Waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay ka hortagga qorista carruurta ee ciidamada qalabka sida, waxayna ku booriyeen in la dhaqan geliyo sharciyada dhowraya xuquuqda carruurta iyo in sharciga lala tiigsado kuwa ku xad-gudbo sharcigaas.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida aadka ah loogu askareeyo carruurta iyo tacadiyada kala duwan, iyadoo hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ay inta badan cambaareeyaan dowladda iyo kooxda Al-Shabaab oo askar u qora carruur badan.