|

RW Xamsa oo dalab u gudbiyay UNHCR

Muqdisho March 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR Charles Mballa.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hay’adda UNHCR ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xaaladda Qaxootiga iyo Barakacayaasha dalka iyo sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada gargaarka ah ee laga bixiyo Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatooyinka ay la kulmaan Qaxootiga.
Xamsa Cabdi Barre ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay hay’addu u leedahay howlaha ay dalka ka wadaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in gargaarka loo beddelo mashaariic horumarineed, si xal waara looga gaaro dhibaatooyinka sababa barakaca.
Mr. Charles Mballa, oo aan dalabkaa ka jawaabin ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono hay’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo in si hufan loo wajaho arrimaha muhiimka ah ee khuseeya labada dhinac.

Comments are closed