|

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shir amni

Riyadh March 18, 2024 (QJ) -Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Isbaheysiga la dagaalanka Argagaxisada Islaamka (IMCTC) oo ka furmaya dalka Sacuudiga.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo General Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa gaaray magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga.

Shir madaxeedkan oo ay ka soo qayb galayaan dhamaan wadamada xubnaha ka ah IMCTC ayaa diirada lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha hortaagan la dagaalanka argagixisada.

IMCTC oo la aas aasay sanadkii 2015-kii ayaa ka kooban 42 wadan oo xubno ka ah oo ay ku jirto Soomaaliya, waxaana ujeedadeedu tahay in sare loo qaado iskaashiga ka dhanka ah argagixisada.

Comments are closed