Xildhibaano ka horyimi waxka bedelka Dastuurka
Muqdisho March 18, 2024 (QJ) -In ka badan 70 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay cabasho ka dhan ah wax ka bedelka Dastuurka oo ay ku doodayaan in la duudsiiyay dadka iyo dalka, isla markaana aysan ka mid noqon doonin wax ka bedelkiisa.
Mudanayaasha oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dastuurka laga bedelay 45 qodob, iyadoo 19 qodob oo cusubna lagu daray dastuurkii asalka ahaa.
Waxa ay ku andacoonayaan in dastuurkan uu yahay mid cusub oo aan wax ka bedel lagu sameyn dastuurkii hore, iyagoo ku eedeeyay hogaanka baarlamaanka inay ku fashilmeen ilaalinta madax banaanida hay’adaha dowladda, waxayna baaq u direen madaxweynaha dowladda federaalka.
Go’aankii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga qaran ee bishii May 2023 ee wax ka bedelka heshiiska lagu sameeyay ayaan loo dhameyn, maadaama aysan Puntland ka qeyb gelin, waxaana loo baahan yahay in go’aanka madashu noqdo mid loo dhan yahay.
Khilaafka dastuuriga ah ayaa ahaa khilaaf xooggan oo hadda gaaray heerkii ugu xumaa, iyadoo madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay muujiyeen diidmo.