Askar Jubaland ka goosatay oo la maxkamadeeyay
Kismaayo March 16, 2024 (QJ) -Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun ku riday Askar ka tirsanaa Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland,kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay Al-Shabaab ula goosteen Gaari dagaal iyo hub ay lahaayeen Jubbaland.
Eedeysanayaasha waxaa ka mid ah C/fitaax Nuur C/llaahi iyo Xasan C/llaahi Maxamed oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ku soo eedeysay in ay Al-Shabaab u gacan siiyeen Gaadiid iyo agab ay laheyd Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Jubbaland.
Sidoo kale, Eedeysane kale oo ka tirsanaa Ciidamada Dowlad-goboleedka Jubbaland, ayaa lagu eedeeyay in uu u la goostay hub isla markaana ka iibiyay Al-Shabaab.
Xeerilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland Ismaaciil Cabdi Cali ayaa maanta Maxkamadda ka hor akhriyay eedeymaha loo heysto eedeysanayaasha.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland C/llaahi Maxmuud Ibraahim ayaa ku dhawaaqay in eedeysaneyaasha lagu xukumay min toban sano oo xabsi ciidan ah, isagoo amray in lala wareego hantidooda.