Madaxda NISA iyo MI6 oo kawadahadlay xog isweydaarsi
London March 04, 2024 (QJ) -Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo booqasho ku jooga dalka Ingiriiska ayaa la kulmay Taliyaha Hay’adda MI6 Richard Moore.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sare u qaadida xiriirka iyo wadashaqeynta labada hay’adood, is-dhaafsiga sirdoonka, la dagaalanka argagixisada, iyo sidii la isku dhaafsan lahaa khibradaha shaqo ee hay’adaha sirdoonka.
Agaasimaha Hay’adda NISA ayaa horay safaro shaqo ugu baxay wadamo dhowr ah oo uu ku xoojinayo xiriirka caalamiga ah ee uu la leeyahay Hay’adaha kale ee la shaqeeya.
Waddamada uu booqday waxaa ka mid ah dalka Mareykanka oo uu kula kulmay agaasimaha CIA William J. Burns oo isaga laftiisu Soomaaliya booqday bishii Janaayo ee sanadkan 2024-ka, isagoo sidoo kale la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo mas’uuliyiin kale.