Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay bulshada Bariga Afrika
Entebbe March 04, 2024 (QJ) -Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay ururka Bariga Afrika ee EAC, kaddib munaasabad maanta ka dhacday dalka Ungandha.
Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo u qaabilsanaa ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka.
Munaasabadda lagu saxiixay heshiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni.
Dr. Mathuki oo ah xoghayaha guud ee ururka EAC ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya in ay xubin ka noqoto EAC, oo ah urur goboleed ka kooban 8 wadan, ujeedadeeduna tahay in kor loo qaado iskaashiga ka dhexeeya dowladaha saaxiibka la ah dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada.
Waxa uu sheegay in ka mid noqoshada Soomaaliya ay xoojin doonto aragtida EAC ee nabad ku wada noolaanshaha iyo horumarka loo dhan yahay ee gobolka Bariga Afrika.
Wuxuu ku ammaanay Soomaaliya sida ay u buuxisay shuruudaha heshiiska EAC, isagoo ku booriyay Soomaaliya inay ilaaliso oo ay dhaqangeliso shuruucda iyo shuruucda u degsan EAC.
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada ujeedooyinka ururka EAC, sida ganacsiga, is dhexgalka dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, nabadda, iyo amniga.