|

Madaxweyne Xasan oo ka khudbeeyay Madal Caalemi ah

Antalya March 02, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay shirka Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya ee dalka Turkiga, ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in la xasiliyo marinnada muhiimka ah oo ay ku jirto Badda Cas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay hiigsiga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan nabadda iyo iskaashiga, isagoo carabka ku adkeeyay is ixtiraamka iyo wax wada qabsiga, isagoo sheegay in xalinta khilaafaadka badda ay muhiim u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamka. Sidaa darteed, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay abuurto wadashaqeyn iyo xallinta khilaafaadka gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in xadgudubka Itoobiya uu halis ku yahay madax banaanida iyo xasiloonida Soomaaliya, isagoo cambaareeyay dadaalka ay Itoobiya ku dooneyso inay ku wiiqdo dadaallada ay Soomaaliya iyo caalamkaba ku doonayaan in lagu xasiliyo dalka. Wuxuu dhaliilay dhammaan faragelinta Itoobiya, ee ay ku qaadanayso badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay caqabadaha hortaagan dowladnimada Soomaaliya iyo tabashada shacabka Soomaaliyeed, isgoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta Alshabaab ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka. Dadaalladaas waxaa ka mid ah ku biirista Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

Comments are closed