|

NISA oo sadex looga dilay ceelsha biyaha

Muqdisho February 29, 2024 (QJ) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo shalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaasoo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa NISA.

Qaraxa oo ahaa qarax xooggan ayaa jugtiisa si aad ah looga maqlay xaafado ku dhow dhow, waxaana lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo uu watay taliyaha qeybta Galbeed ee NISA oo loo yaqaan Luga Dheere.

Wararka ayaa sheegaya in saddex askari ay ku dhinteen, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen. Dhammaan dadka ku dhintay weerarkaas ayaa ahaa askar ka amar qaata Korneyl Luga Dheere.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay sheegeen in khasaare ay ku gaarsiiyeen askar ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Comments are closed