Gollaha Wakiilada Somaliland oo markale ansixiyay xeer Lr. 14 iyo 19
Hargeysa February 18, 2024 (QJ) -Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa lagu ansixiyey Xeerarka cusub ee Doorashooyinka Somaliland.
Golaha oo ku fadhiyay 73 mudane, waxa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeer Lr.14, kaas oo ay golaha guurtidu shalay ku ansixiyeen 59 cod.
Sidoo kale, Xeer Lr.91 oo Golaha Guurtidu hore ugu ansixiyeen 58 cod, ayaa goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.
Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Golaha Wakiilada Cali Xaamud Jibriil, ayaa ku nuux-nuux saday in sharcigan uu dhaqan galayo, isla markaana haddii aanu saxeexin Madaxweynaha xilka ka degaya uu Goluhu awood u yeelan doono inuu ku dhaqan geliyo.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa shalay ku gacan saydhay xeerkan cusub, iyagoo ka soo horjeestay qodob dhigaya in 20% codadka ay ururadu helaan si ay u noqdaan mid ka mid ah sadexda xisbi qaran, isla markaana ay doonayaan in qodobkaas lagu bedelo hal dheeri.