|

Askar Gabar 13 jir ah oo Garoowe lagu kufsaday

Garoowe February 18, 2024 (QJ) -Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ku waramaya in rag ku labisan dareeska ciidamada booliska ay fara xumeeyeen gabar yar oo 13 jir ah oo barakacayaal ah.

Sida ay ku warameen warbaahinta maxaliga ah ee Puntland iyo dad goob joogayaal ah, shilkan ayaa saaka aroortii ka dhacay xero barakacayaal oo lagu magacaabo Jiingadaha.

Dhacdadaan kadib ayaa la sheegay in ragaasi ay goobta isaga baxsadeen halka gabadha laga soo badbaadiyay gurigii lagu hayay.

Qoyskeeda iyo dadka ku dhaqan xaafadda Jiingadaha oo ay ka go’an tahay in ay cadaaladda ku raadiyaan gabadhaasi ayaa aad uga xumaaday falkan.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadan.

Magaalada Garoowe ayaa muddooyinkii dambe waxaa soo wajahay hoos u dhac dhanka ammaanka ah, waxaana taasi ay keentay in ay ku soo bataan falalka dambiyada ah oo ay ku jiraan kuwa lagu beegsanayo dadka jilicsan, taasoo walaac ku beertay shacabka magaalada.

Comments are closed