|

Guurtida Somaliland oo markale ansixisay xeer 91

Hargeysa February 17, 2024 (QJ) -Golaha Guurtida Somaliland ayaa marlabaad cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka doorashooyinka Somaliland xeer Lr.91.

Golaha guurtida Somaliland ayaa wax ka bedel ku sameeyay xeerka doorashooyinka ka dib markii uu dhawaan madaxweynuhu dib ugu soo celiyay golayaasha sharci dejinta kadib markii ay soo baxeen qodobo la isku khilaafay.

Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada ayaa hore u ansixiyay xeerkan, balse waxay isku khilaafeen qoddobo qaarkood, taasoo keentay in madaxweynuhu dib ugu celiyo xeerkan.

Marka xigta, golaha wakiillada ayaa dib u eegis ku sameyn doona xeerkan, iyadoo la filayo in dood dheeri ah laga yeesho haddii ay ka soo horjeestaan qodobada qaar.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in xeerka doorashooyinka ee ay maanta ansixiyeen golaha guurtidu uu dhabar jab ku yahay midnimada Somaliland.

Waxa uu xusay in xeerkan maanta la ansixiyay uu yahay mid lagu degdegay oo aan xildhibaanada baarlamaanka laga hor akhriyin, isla markaana khatar ku ah xasiloonida Somaliland.

Masuuliyiin kale ee ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa si gaar ah uga walaacsan qodob dhigaya in ururadu 20% ka helaan codadka gobol kasta si ay u noqdaan xisbiyo si rasmi ah loo aqoonsan yahay.

Comments are closed