Wasiirada Maaliyadaha dalka oo ka shiray dhaqaalaha
Muqdisho February 17, 2024 (QJ) -Shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka, iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maaliyadda dalka, iyo mideynta canshuuraha dalka.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo si rasmi ah u furay shirka ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la isugu keeno Wasiirada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in inta uu socdo kulanka looga hadli doono arrimo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka, hannaanka dakhli qeybsiga, iyo xoojinta siyaasadda maaliyadda ka dib markii Soomaaliya ay dhameystirtay barnaamijka deyn cafinta ee HIPC.
Shirka Wasiirada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadlayaa mashaariicda horumarineed ee ay deeq bixiyayaasha caalamiga ah ka taageeraan Bankiga Adduunka, kuwaas oo looga gol leeyahay in Soomaaliya looga faa’ideysto, loona horumariyo dalka.
Shirkan oo ah kii 21-aad ee noociisa ah oo ay ka qeyb galayaan Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ayaa la filayaa in laga soo saaro heshiisyo cusub, iyadoo gaba gabada laga soo saari doono war-murtiyeed wadajir ah. Inkastoo uu shirka ka maqan yahay Wasiirka Maaliyadda Puntland.