|

Itoobiya oo carqaladeysay wefdi uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan

Addis Ababa February 17, 2024 (QJ) – Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa faah faahin ka bixiyay dhacdadii dhawaan lagu hor istaagay wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugnaa Addis Ababa oo ka qeyb geleyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
Cali Balcad waxa uu sheegay in aroortii Madaxweynaha oo damacsanaa in uu ka baxo Hotelka, si uu uga qeyb galo shir madaxeedka uu la kulmay arrimo dhanka ammaanka ah, kadib markii la isku fahmi waayay arrimo la xiriira amniga Madaxweynaha.
Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad ayaa xusay in ugu dambeyn wafdiga Madaxweynaha ay gaareen goobta uu shirku ka dhacayo. Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Itoobiya ayaa mar kale isku dayay inay Madaxweynaha ka hor istaagaan inuu ka soo qeyb galo shirka, taasoo keentay in dood dheer laga yeesho, ugu dambeyntiina xal laga gaaro.
Wasiirka ayaa sheegay in dhacdooyinkan ay yihiin kuwo ay Itoobiya soo maleegtay, ujeedaduna tahay in Madaxweynaha laga hor istaago in uu khudbadiisa ka jeediyo shirka, si loo hubiyo in madaxda Afrika aysan maqal tabashada saxda ah ee Soomaaliya ay ka qabto qaranimadeeda iyo midnimadeeda. Wuxuu ku nuux-nuux saday in khudbadda Madaxweynaha uu kaga hadlay arrimo masiiri ah oo quseeya madaxda Afrika, isagoo muujiyay xiriirka guracan ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo ka halkaa ka jeediyay mid ka mid ah khudbadihii ugu muhiimsanaa ee laga jeediyay shirka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si degdeg ah dib ugu soo laabtay magaalada  Muqdisho, kaddib markii uu ka soo qeyb galay shirkii Midowga Afrika ee Addis Ababa, isagoo ka jeediyay khudbad muhiim ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu heshiiyo khilaafka u dhaxeeya madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasoo dib u dhac uu kala kulmay madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday inuu la kulmo madaxda Itoobiya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay madaxda Afrika in dowladdiisa aysan wax tanaasul ah ka sameyn doonin madax banaanida dalka, iyadoo ay jiraan dadaalo badan oo lagu doonayo in lagu xaliyo arrintan si nabad ah.

Comments are closed