|

C/Raxmaan C/Shakuur oo eedeeyay safarka madaxweyne Xasan

Muqdisho February 16, 2024(QJ)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federalka Somaliya, C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaliilay safar uu ku tagay dalka Itoobiya.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay mid lagu degdegay oo aan si taxadar leh looga fiirsan. Wuxuu sheegay in dowladdu ay dooneyso inay hagaajiso xiriirka kala dhexeeya Itoobiya.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in dowladda Itoobiya looga baahnaa inay hoos u dhigto xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Itoobiya, isla markaana ay hoos u dhigto xaaladda wafdigii loo diray shirkii Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya oo ay aheyd in Madaxweynaha ay su’aalo ka weydiiyaan safarkiisa ay ku guuldareysteen, isagoo taasi bedelkeeda sheegay inay ku mashquuleen dooda wax ka bedelka Dastuurka dalka. Dhaleeceynta Xildhibaanka ayaa ku soo aadeysa iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka mid yahay Madaxda Afrika ee Addis uga qeyb galaya Shir Madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika.

Comments are closed