|

Soomaaliya oo shidaal soo saareysa

Muqdisho February 16, (QJ) -Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya markii ugu horeysay sanadka 2024-ka ay soo saari doonto qeybteedii ugu horeysay ee kalluunka kasoo go’a dalka.

Wasiir C/risaaq Cumar oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in dadaallada lagu soo saarayo Kheyraadka Shidaalka Soomaaliya uu marayo heerkii ugu dambeeyay, kaddibna loo diri doono baaritaanno.
Waxaanu intaa ku daray in xukuumaddu ay qorshaynayso qodista ceelkii ugu horeeyay ee shidaalka saddexda bilood ee ugu dambeeya sanadkan 2024-ka.

Khubaro ka socotay Hay’adda Shidaalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe booqasho ku tagay deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, iyagoo maamulka iyo dadka deegaanka kala hadlay dhibaatooyinka deegaanka uu ku leeyahay soo saarista Shidaalka.
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay noqoto gobolkii ugu horeeyay ee laga soo saaro Shidaalka, iyadoo degmada Hobyo lagu wado in ay ka bilaabato howshan.

Comments are closed