|

Madaafiic lagu garaacay xarunta Gaashaandhiga

Muqdisho February 15, 2024 (QJ) Waxaa soo baxaya faah faahin ku saabsan weerar xalay fiidkii kooxo hubeysan ay ku qaadeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Madaafiicda lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa waxay ku dhaceen xaafado ku dhow dhow Wasaaradda, iyadoo ay waxyeelo soo gaartay dad rayid ah.
Dhowr qof oo rayid ah oo ay ku jiraan caruur yar yar ayaa ku dhaawacantay weeraradaasi, kuwaasi oo qaarkood xaaladooda ay aad u liidato, una baahday gurmad caafimaad, sida ay sheegeen dadka degan xaafadaha ku dhow dhow Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wararka ayaa sheegaya in markii uu falkaasi dhacay kadib ay ciidamada ammaanka ee sugayay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ay rasaas ku fureen kooxihii weerarka soo qaaday, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xilliyada qaar weeraro noocaan oo kale ah la beegsada xarumaha dowladda ee magaalada Muqdisho, waxaana weeraradaasi inta badan ka dhasha khasaarooyin kala duwan oo soo gaara dadka rayidka ah.

Comments are closed