|

Mareykanka oo xeryo ciidan ka dhisaya Soomaaliya

Muqdisho February 15, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayey heshiiska tababarka ciidamada Soomaaliya oo ay si wadajir ah u wada qaateen dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsaday in heshiiskan uu xoojinayo taageerada iyo horumarinta ciidamada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab oo xarumo lagu tababaro iyo saldhigyo ciidan laga hirgeliyay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, iyo Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka doorka ay ka qaadaneyso taageeridda tababarrada ciidamada Danab iyo guud ahaan hay’adaha amniga Soomaaliya, isagoo tilmaamay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin la dagaallanka argagixisada iyo xasilinta deegaannada ay colaaduhu saameeyeen.

Heshiiska waxaa u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika Marwo Bonnie Denise Jenkins.

Comments are closed