|

Soomaaliya iyo beesha Caalamka oo kawadahadlay bixida ATMIS

Addis Ababa February 14, 2024 (QJ) -Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Cumar Cali “Balcad” iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Addis Ababa ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay howlgalka ATMIS, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan wadamada taageera horumarka iyo xasilinta Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale khubarada Dowladda Soomaaliya ee ka shaqeeya hirgelinta iyo dhameystirka howlgalka ATMIS oo si rasmi ah loo soo gabagabeyn doono sanadka 2024-ka. .

Kulanka ayaa si qoto dheer looga hadlay natiijada ka soo baxday qorshaha dawlada ee ku aadan in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay si buuxda u hantaan amniga Soomaaliya iyo dhameystirka howlgalka ATMIS.

Wasiir Cali Cumar Cali “Balcad” oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah ugu guuleysatay in la tababaro ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay u xasiliyaan amniga Soomaaliya, isla markaana ay si buuxda ugu diyaar garoobeen la wareegidda amniga guud ee Soomaaliya.

Comments are closed