|

Madaxweyne Xasan oo Kismaayo booqanaya

Kismaayo February 14, 2024 (QJ) -Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Madaxweyne ku xigeeno, xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo dadweyne aad u tiro badan.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa Villa Somalia ku sheegtay in diiradda lagu saarayo horumarinta wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland, horumarinta nidaamka federaalka iyo horumarinta xaaladaha nololeed ee shacabka Jubaland. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dowlad goboleedka Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wuxuu kala hadli doonaa arimaha la xiriira dhismaha dowladnimada, horumarinta midnimada iyo hoggaanka qaranka, iyo horumarka dalka.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegantay xilli uu hakad ku yimid howlgalladii ciidamada ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab. Sidoo kale, waxa uu ka hadli doonaa arrimaha dib u heshiisiinta, wax ka bedelka dastuurka iyo xalinta khilaafaadka oo ay ka mid yihiin kuwa u dhaxeeya maamulka Puntland iyo madaxdii hore ee qaranka oo hadda isku khilaafsan go’aannada baarlamaanka.

Comments are closed