Xildhibaanada Galbeedka Somaliland oo ka horyimi heshiiska Badda
Hargeysa February 13, 2024 (QJ) -Qaar ka mid ah Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.
Xildhibaanadan oo ka kooban labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland, ayaa diiday heshiiskaas, iyagoo shaki ka muujiyay sharci ahaanshihiisa.
“Heshiiskaas iyo heshiisyada la midka ah waan ka soo horjeednaa, waayo waxaan u aragnaa heshiisyadaas kuwo sharci darro ah oo ka soo horjeeda danaha dadka iyo diintooda,” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Nuur.
Mudanayaashu waxay ku doodeen in hadallo iska soo horjeeda ay ka soo baxeen Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo Itoobiya sheegtay inay heshay dhul badeed ay Somaliland leedahay.
Sidoo kale, waxay maamulka Madaxweyne Biixi ku dhaliileen inay ka gaabiyeen wada-hadallo wax ku ool ah oo ay la yeesheen xildhibaannada iyo bulshada gobollada galbeedka, iyagoo sheegay in aanay xukuumaddu dadka u gudbin xog sugan.
Ugu dambayntii waxa ay cadeeyeen in heshiiskaasi uu khatar weyn ku yahay midnimada dhuleed ee Somaliland.