Shariif iyo Farmaajo oo eedeeyay Xasan Sheekh
Muqdisho February 13, 2024 (QJ) -Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay ku sheegeen inay ku guul-darreysteen inay dhexdhexaadiyaan madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh iyo madaxweynaha maamul-goboleedka Siciid Deni.
Qoraalkooda ayay ku xuseen in labadii madaxweyne ee hore ay isku afgarteen in la fududeeyo wada hadalka Xasan iyo Deni, kaasi oo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe.
Waxa ay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh in uu carqaladeeyay dadaaladii dhex dhexaadinta ahaa ee aan la hakin muddo labo todobaad ah dib u eegista dastuurka.
Waxa ay sidoo kale tilmaameen in Deni uu aqbalay heshiis hordhac ah oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro xiisada colaadeed ee dhawaan soo korortay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu dhaliilay inuusan weli ka go’an in la qabto howlaha dib u eegista dastuurka.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay Villa Somalia oo ku aadan eedeynta ay u jeediyeen madaxweynayaashii hore ee Federaalka.