|

Soomaaliya oo Itoobiya ka dacweyneysa Shirka Africa

Addis Ababa February 2024 (QJ) -Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya ahna sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa magaalada Addis Ababa uga qeyb galaya shir madaxeedka 44-aad ee madaxda Midowga Afrika.

Shirkan oo lagu wado in uu qabsoomo 14-ka ilaa 15-ka bishan February ayaa waxaa ka qayb galaya madax badan oo ka tirsan wadamada Afrika oo hadda ku shirsan Addis Ababa.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo la hadlay Warbaahinta ka hor inta uusan u ambabixin Shirka Madaxda Midowga Afrika, ayaa sheegay in heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee Itoobiya ay la gashay Gobol dal kale ka tirsan, isla-markaana aanay cidna ku taageeri doonin gardarrada.

Wasiirku waxa uu sheegay in Itoobiya ay si lama filaan ah uga debcisay heshiiska dhinaca badda ee Somaliland, taas bedelkeedana ay wakiilo caalami ah iyo kuwo heer gobol ah u dirtay heshiis ku saabsan arrimaha badda, taasina ay muujinayso inaanay aqbali doonin wax wada hadal ah haddii aanay xukuumadda Addis Ababa ka bixin heshiiska ay la gashay. Muuse Biixi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka gaabsaday ka qeybgalka shirkaas, sababo ku aadan khilaafka culus ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in shirka Midowga Afrika looga hadlo arrimo la xiriira daandaansiga Itoobiya ee saameeyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa horay ugu booriyay labada dal in ay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal iyo wadahadal. Sidoo kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa ugu baaqay labada dal inay xal u helaan khilaafkooda iyadoo la raacayo qaabka AU iyo IGAD.

Comments are closed