Taliyeyaal Imaraadka ka yimi oo Muqdisho lagu laayay
Muqdisho February 10, 2024 (QJ) -Taliyeyaal ka mid ahaa ciidamada Imaaraadka ayaa lagu dilay weerar maanta ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho, kadib markii lagu beegsaday askar ka tirsan ciidamada milateriga dowladda iyo kuwa imaraadka.
Askariga weerarka geystay ayaa la sheegay in uu rasaas ku furay Taliyeyaasha Imaaraatka Carabta xilli ay ku sugnaayeen Xerada Jeneraal Gordon ee degmada Hodan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Ilaa 17 sarkaal oo Imaaraati ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaar kalena ayku dhaawacmeen weerarka uu askariga geystay.
Askariga dilka geystay ayaa la sheegay in uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Milateriga, iyadoo dhaawacyada saraakiisha iyo askarta loola cararay isbitaalka Digfeer oo lagu daweynayo.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii maanta lagu dilay Taliyeyaasha Ciidamada Imaaraadka ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan ayaa dowladda iyo shacabka Imaaraadka uga tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay xarunta Jen. Xerada Gordon.
Waxa uu xaqiijiyay in Hay’adaha amaanka ay baaritaan deg deg ah ku sameyn doonaan weerarka, waxa uuna balan qaaday in tallaabo cad laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata weerarkaan oo ay sheegatay Al-Shabaab.