|

Turkiga iyo Soomaaliya oo heshiis iskaashi sexeexday

Istabul February 10, 2024 (QJ)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Yasar Güler.

Kulanka dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Turkiga Yasar Güler ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, sugidda amniga gobolka iyo la dagaalanka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gudaha dalka.

Sidoo kale, Wasiir Nuur iyo Wasiir Güler ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo dhanka difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ah, kaasoo looga gol leeyahay in sare loogu qaado ammaanka Soomaaliya iyo gobolka, kaasoo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.

Wasiir C/qaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya magaca dowladda Soomaaliya uu uga mahadcelinayo Turkiga taageerada joogtada ah iyo garab istaagga walaaltinimo ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilliyada ay u baahan yihiin.

Comments are closed