Mareykanka oo aan teegeereyn dulliyaadka Rafa
Washington Feb 10, 2024 (QJ) -Maraykanku waxa laga yaabaa in uu taageeradiisa milatari kala noqdo weerarrada ay Israa’iil ku hayso degaanka Rafah ee magaalada Gaza, haddii aanu jirin qorshe cad oo wax lagaga qabanayo in ka badan hal milyan oo rayid ah oo barakacayaal ah, sida uu sheegay ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Vedant Patel.
Patel waxa uu ku nuuxnuuxsaday in xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu arrintan si cad ugu gudbiyay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu intii lagu guda jiray wada-hadallo Arbacadii ka dhacay Israa’iil.
Mar la weydiiyay halka in ka badan milyan qof oo degan Rafah ay aadi karaan, iyadoo la og yahay inaysan u qaxi karin waqooyiga Gaza sababo la xiriira isku dhacyada militari ee koonfurta, Patel wuxuu yiri, “Su’aashu waa mid sharci ah oo aan aaminsanahay inay Israel ka jawaabto.”
Netanyahu wuxuu si cad u sheegay Arbacadii in “ciidamada Israel ay isku diyaarinayaan inay ka dagaalamaan Rafah.”
Hay’adaha samafalka ayaa ka digay dhibaato bini’aadantinimo haddii ciidamada Israa’iil ay galaan magaalada Rafah oo ay ku nool yihiin tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah.