|

NISA oo gacanta ku soo dhigay lataliyihii madaxa Al Shabaab

Muqdisho February 03, 2024 (QJ) -Ciidamada NISA ayaa xabsiga dhigay Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare). Muxiyidiin ayaa la sheegay in uu lataliye u yahay madaxa al-Shabaab Axmed Diiriye.

Shaqsigan ayaa laga soo qabtay magaalada Muqdisho, oo uu dhuumaleysi ku galay, iyadoo markii dambe ciidamada NISA ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan.

Muxiyadiin Daqare ayaa si firfircoon uga hawlgalay gobollo kala duwan oo dalka oo dhan ah, gaar ahaan Baay, Galgaduud, Mudug, Shabeellaha Hoose.

Laamaha amaanka oo haatan gacanta ku haya masuulkan ayaa sheegay in dhawaan ay soo bandhigi doonaan xog dheeri ah oo ku saabsan xariga iyo dhaq dhaqaaqyadii Muxiyadiin Daqare.

Comments are closed