|

Puntland oo US, UK iyo Jalmalka kala hadashay amniga

Nairobi February 03, 2024 (QJ) -Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sareeye Guuto Muumin Cabdi Shire iyo saraakiil kale ayaa ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Nairobi oo looga hadlay la dagaalanka Argagixisada,Burcad badeeda iyo Tahriibinta.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arimahan maamul gobleedka Puntland, iyo dalalka USA, UK iyo Germany, sida uu sheegay Taliyaha Booliska Puntland.
General Shire oo hogaaminaya wafdiga Puntland oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo ka kala tirsan Booliska iyo Nabadsugidda ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashigan caalamiga ah.
Puntland ayaa xiligan ku guda jirta dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee ka howlgala deegaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari iyo kooxaha burcad badeeda ah ee doonaya in ay ugaarsadaan maraakiibta mareysa  xeebaha Soomaaliya.

Comments are closed