NISA oo sheegtay in ay hawada ka saartay baro ay lahaayeen Al Shabaab
Muqdisho February 01, 2024 (QJ) -Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa ku dhawaaqday in lagu guuleystay in la xiro mareegaha ugu waaweyn ee kooxda Al-Shabaab ay ku faafin jirtay wararka.
War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in la burburiyay 14-Website oo xiriir la lahaa Al-shabaab. Mareegaha la xanibay waxaa ka mid ah goobo caan ah sida Calamada, Somalimemo, Radio Al-Furqaan, iyo Amiir Nuur. Inkasta oo ay hore isku dayeen in ay carqaladeeyaan hawlahooda, haddana Somalimemo ayaa lagu soo warramayaa in ay weli sii shaqaynayso.
Tallaabadan ayaa daba socota go’aankii dhawaan ay dowladdu ku xayirtay mareegaha xiriirka la leh Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya. Xiritaankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu xakameeyo isticmaalka Internet-ka ee kooxdan, iyadoo NISA ay xaqiijisay in website-yadan laga saaray hawada.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in NISA ay ku guuleysatay inay gacanta ku dhigto labaatan barood oo WhatsApp ka furnaa iyo 2,500 oo taleefoon oo lala xiriiriyay shabakadaha isgaarsiinta ee Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa si aad ah ugu dhiiratay inay ka hortagto dhaq-dhaqaaqyada Al-shabaab ee dhanka Internet-ka, waxaana tallaabadan loo arkaa mid wax ku ool ah oo lagu carqaladeynayo faafinta dacaayadaha kooxda.