|

Guurtida iyo Wakiilada oo markale Muuse Biixi dhiiridii ka saaray

Hargeysa January 31, 2024 (QJ) -Golaha Guurtida iyo Wakiilada Somaliland ayaa go’aan ka gaadhay sidii loo ansixin lahaa xeerka doorashooyinka ee xeer Lr.91.

Waxa ay isla garteen in golaha guurtidu ay dib ugu celiyaan xeerkan madaxweyne Biixi, isla markaana uu madaxweyne Biixi dib ugu celiyo golaha wakiilada, isla markaana dib loo bilaabo hawshaasi. waxa kale oo ay isla garteen in labada aqal ay sii fadhiyaan inta hawshani socoto

Madaxweynaha Somaliland ee xilka ka sii degaya, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan golaha guurtida Somaliland ku soo celiyay xeerka doorashooyinka Somaliland, ka dib markii ay labada gole isku khilaafeen qodobbada qaarkood.

Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, ayaa sidoo kale ku taliyey in marka hore ay labada gole ee sharci dejinta ku heshiiyaan xeerka doorashada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sharcigan uu saxiixi doono, isla markaana uu dhaqan gelin doono ka dib marka goleyaasha ay isku raacaan, isla markaana dib u eegis lagu sameeyo dastuurka.

Comments are closed