|

Soomaaliya oo G-77 ka dacweysay Itoobiya

Kampala January 21, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay shirka G-77 iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shir-madaxeedkan oo la qorsheeyay inuu socdo muddo laba maalmood ah, ayaa looga golleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya waddamada xubnaha ka ah G-77 ee dhinacyada ganacsiga, maaliyadda, horumarka, isbeddelka cimilada iyo ciribtirka faqriga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta dalalka xubnaha ka ah G-77, isagoo tilmaamay horumarka baaxadda leh ee Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin horumarinta dhaqaalaha, amniga, la dagaalanka argagixisada.

Saalax ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda caalamiga ah iyo madax-bannaanida ummadaha, isagoo walaac ka muujiyay faragelinta Itoobiya ee arrimaha Soomaaliya, gaar ahaana badda Soomalaiya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in xal nabadeed laga gaaro.

Comments are closed