|

Mareykanka oo xaqiijiyay in Somaliland ka mid tahay Soomaaliya

Kampala January 19, 2024 (QJ) Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer oo khudbad ka jeediyay shirkii 42-aad ee aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD, ayaa si cad u sheegay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, loona baahan yahay in la ixtiraamo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Mike Hammer ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xaaladda ka sii daraysa,  ee ka dhalatay Is-afgaradka (MoU) dhawaan dhexmaray Abey Axmed iyo Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay in khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya lagu xalin karo qaab diblumaasiyadeed.

Ergeyga Mareykanka ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiskan uu faa’iido u leeyahay Al-Shabaab una adeegsaneyso qorista askar cusub, waxaa muhiim ah in Itoobiya iyo Soomaaliya ay diiradda saaraan arrimaha amniga ee la wadaago.

Wuxuu sheegay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu halis ku yahay xasiloonida gobolka, isagoo ugu baaqay xukuumadda Addis Ababa inay ilaaliso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Mike Hammer ayaa soo dhaweeyay shirkii aan caadiga ahayn ee IGAD ay ku yeesheen dalka Uganda, kaasi oo looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dagaalka Suudaan iyo xiisada sii xoogeysatay ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Comments are closed