Soomaaliya oo dib u celisay duyuurad siday wefdi Itoobiyaan ah
Muqdisho January 17, 2024 (QJ) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib u celisay diyaarad la sheegay in ay la socdeen wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Itoobiya.
Duulimaadka Ethiopian Airlines ee ETH8372 oo la soo celiyay ayaa sitay calaamadda (VVIP), mana cadda in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu la socday diyaaradda iyo in kale.
Madaxa Shirkada duyuuradaha Itoobiya Mesfin Tasew ayaa xaqiijiyay in la celiyay diyaarada bacdaamaa aaney ogolaasho ka heysan dawlada dhexe ee Soomaaliya, balse waxa uu ka gaabsaday in uu shaaciyo rakaabka duyuurada la celiyay saaraa.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daud Aweys ayaa sheegay in diyaarada la celiyay ay siday madax itoobiyaan ah oo u socday Hargeysa.
Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii ay shalay magaalada Hargeysa soo gaadheen wafdi heer sare ah oo ay ka qayb qaadanayaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo dhinaca ammaanka qaabilsan iyo saraakiil kale oo Itoobiyaan ah.
Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa muddo kooban hakisay dhammaan duullimaadyadii ka iman jiray Itoobiya, balse markii dambe waxay ogolaatay diyaarad Itoobiyaan ah oo siday dad shacab ah oo ku socday Hargeysa.