Mareykanka: Heshiiska Abey iyo Muuse waxa uu khatar ku yahay Amniga
Washington January 17, 2024 (QJ) -Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in hay’adaha iyo dalalka saaxiibka la ah ay kala shaqeynayaan sidii meesha looga saari lahaa heshiiskii dhawaan dhexmaray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.
John Kirby oo ah Agaasimaha Isgaarsiinta Istiraatiijiga ah ee Golaha Ammaanka Qaranka Mareykanka, ayaa tilmaamay in marar badan ay sheegeen in dowladda Mareykanka ay taageereyso madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, loona baahan yahay in la ixtiraamo.
Agaasimaha ayaa sheegay in heshiiska is-afgaradka ah uu carqaladeynayo dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo uu Mareykanku ka mid yahay ay kula jiraan Al-shabaab.
Dalal badan iyo hay’ado caalami ah ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiska ay wada gaareen dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland, iyo in heshiiskaasi uu dhaawacayo madax banaanida Soomaaliya.