Itobiya iyo Suudaan oo ka muqurtay shirka IGAD
Addis Ababa January 16, 2024 (QJ) -Shir madaxeedka IGAD ee ujeedadiisu ahayd sidii wax looga qaban lahaa colaadda Suudaan iyo sidoo kale isfahamkii dhawaan dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, ayaa waxaa soo wejahay caqabado, ka dib kolkii dalalka Itoobiya iyo Suudaan ay ka gaabsadeen in ay ka qaybgalaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa soo saartay bayaan ay ku muujinayso in aaney u suurtogal aheyn ka qeybgalka shirka. Suudaan ayaa sidoo kale soo jeedisay in wadahadalo toos ah ay yeeshaan dhinacyada ishaya.
Is-afgaradkii dhawaan dhex maray Itoobiya iyo Somaliland oo ah dal aan la aqoonsan ayaa kiciyay xiisad, iyadoo laga yaabo inay colaad ka bilaabatay gobolka IGAD.
Fashilka ku yimid shir madaxeedka IGAD ee ay Jabuuti ku baaqday ayaa la filayaa in uu saameyn weyn ku yeesho dadaallada gobolka ee looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafka ka dhex aloosan IGAD ayaa muujinaya khatarta is afgaradka Somaliland iyo Itoobiya.