Qarax ruxay Muqdisho iyo sababaha ku gedaaman
Muqdisho January 16, 2024 (QJ) -Qarax xooggan oo ahaa ismiidaamin ayaa galabta ka dhacay nawaaxiga Maqaayadda Al-hindi ee degmada Xamarweyne, gaar ahaan agagaarka dambe ee Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Qofka is qarxiyay ayaa la sheegay in uu galay goob ay dad shicib ahi fadhiyeen xiligaasi, waxaana ka dhashay qasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii goobta ku sugnaa.
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee maqaayada Al Hindi ay ku dhinteen 3-ruux halka labo kalana ay ku dhaawacmeen.
Wararka ka imaanaya degmada Xamarweyne ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ka warheleen weerarka. Waxaa la sheegay in Eedeysanahaasi ay Boliska ku hayeen dabagal, isla markaana ay doonayeen inay gacanta ku soo dhigaan ka hor inta uusan falkaasi geysan. Ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxan uu ahaa mid lagu beegsanayay xarunta maamulka ee Gobolka Banaadir.