Wiilka Xasan Sheekh oo 2 1/2 lagu xukumay
Istanbul January 16, 2024 (QJ) -Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa maanta ku xukuntay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya 2 sano iyo bar oo xarig ah, iyadoo ku eedeysay dhimashada wadaha Mooto. Si kastaba ha ahaatee, xukunka ayaa waxaa loogu bedelay ganaax.
Mohammed Hassan Sheikh Mohamud ayaa wajahay eedeymo ah “in uu sababey dhimasho taxadar xumo ka dhalatay” kadib markii uu gaarigiisa ku dhuftay Yunus Emre Gocer 30kii Nofembar. Booliiska Istanbul ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo wiilka uu dhalay madaxweynaha kadib markii Yunus Emre Gocer uu u dhintay dhaawacyo soo gaaray, balse wiilka madaxweynaha Soomaaliya uu dalka ka dhoofay xiligaas.
Maxamuud Xasan Sheekh ayaa todobaadkii hore dib ugu laabtay dalka Turkiga si uu u wejaho denbiyada lagu soo oogay.
Maanta maxkamadda Istanbul ayaa Maxamuud ku xukuntay dil dayac ah, waxayna ku xukuntay inuu bixiyo lacag dhan $910.
Dacwad oogayaasha ayaa weydiistay maxkamada in Maxamuud lagu xukumo ilaa lix sano.
Aabaha dhalay Gocer ayaa qorsheynayay inuu racfaan ka qaato go’aanka maxkamadda, sida uu warbaahinta u sheegay qareenkiisa Tugba Aydin.
Dhimashada wadaha Mootada ayaa khalkhal geliyay saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya.
Turkiga ayaa xiriir dhow la lahaa Soomaaliya tan iyo sannadkii 2011-kii markaasoo ra’iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu booqday Soomaaliya oo ay xiligaa ka jirtay macluul daran.
Turkiga ayaa tan iyo xiligaa gargaar bini’aadantinimo oo baaxad leh u fidiyay Soomaaliya, waxa uu dhistay mashaariic dhaqaale, waxa uuna Soomaaliya ka sameeyay saldhig milatari oo lagu tababaro askarta iyo booliiska.