|

Gollaha Wakiilada oo meelmariyay xeer doorasho oo HEEGO ka carreysiiyay

Hargeysa January 15, 2024 (QJ) -Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta diiday isbedel ay golaha guurtidu ku sameeyeen xeerka doorashooyinka LR 91.

Golaha Wakiiladda ayaa cod aqlebiyad ugu codeeyay ansixinta hindise-sharciyeedkoodii ugu horeeyay ee doorashada, iyaga oo saluug ka muujiyay wax ka bedelka ay golaha guurtidu ku sameeyeen, sida lagu sheegay bogga rasmiga ah ee barlamaanku ku leeyihiin Facebook-ga.

Cod aqlabiyad leh ayaa lagu ansixiyay xeerka 91-aad ee LR 91 oo markii hore goluhu ansixiyeen, waxaana la diiday wax ka bedel ay ku sameeyeen xeerkagolaha guurtidu, 71 mudane oo madasha fadhiyay 69 mudane way ogolaadeen, 1 mudane wuu ka aamusay, 0 mudane wuu diiday, gudoomiyuhuna muu codayn.

Xeerkan la ansixiyay ayaa hadda waxa loo gudbin doonaa Madaxweynaha Somaliland ee xilka ka sii degaya Muuse Biixi Cabdi oo aan hadda wax awood ah u lahayn inuu sharcigan diido.

Comments are closed