|

ATMIS iyo SNA oo wada hadlay nabadgelyada dalka

Muqdisho January 15, 2024 (QJ) -Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Inta uu socday kulanka ayaa mas’uuliyiinta waxa ay ka wadahadleen amniga guud ee dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Sidoo kale waxaa looga hadlay arrimaha amniga ee ku saabsan kooxda Al-Shabaab, iyadoo la qorsheynayo sidii looga hortagi lahaa dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay sidii ATMIS gacan uga geysan lahayd dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kaalinta ay ATMIS-ku ka qaateen xasilinta dalka mudadii ay dalka joogeen. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjire Mohammed El-Amine Souef, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ahna Madaxa ATMIS, iyo General Sam Okiding, Taliyaha Ciidanka ATMIS.

Comments are closed