Somaliland oo lagu eedeeyay xadgudubyo caalemi ah
Hargeysa January -Ururka saxafiyiinta caalamiga ah ee IFJ ayaa si adag uga hadlay weerarada lagu hayo xoriyada saxaafada Somaliland kadib markii ciidamada amaanku ay xoog ku galeen xarunta TV-ga MM Somali 6-dii January. IFJ waxay dalbatay in si deg deg ah loo sii daayo wariye Maxamed Cabdi Sheekh oo ah milkiilaha MM Somali TV oo weli xabsiga ku jira, isla markaana haatan wejahaya maxkamad ciidan.
Xoghayaha guud ee IFJ Anthony Bellanger ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka oo uu ku tilmaamay mid ka dhan ah saxaafadda iyo dimoqraadiyadda, isagoo intaa ku daray inuu si gaar ah uga walaacsan yahay jirdilka iyo xadgudubyada loogeystay suxuufiyiinta, waxaanu ku baaqay in la joojiyo cabudhinta lagu hayo saxaafadda xorta ah.
Weerarkan ay ciidamada amaanka Somaliland ku qaadeen TV-ga MM Somali TV ayaa ku soo beegmay xili ay socotay dood laga sii daayay Telefishanka oo diirada lagu saarayay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland. Heshiiskii ayaa dhaliyay qalalaase diblumaasiyadeed, waxaana uu la kulamay dhaleeceyn ballaaran oo kaga timid dhanka shacabka.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed, ayaa ka hor intii aanu weerarku dhicin, uga digay Suxufiyiinta iyo Hay’adaha Warbaahinta inay ka hadlaan heshiiskaasi.