Wiilka madaxweyne Xasan oo maxkamad hortegay
Istanbul January 13, 2024 (QJ) -Wiilka madaweynaha Soomaaliya, Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo galay shil gaari oo sababay dhimashada muwaadin Turki ah ayaa ka soo hor muuqday maxkamada magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Maxkamadda ayaa dhegeysatay ayaa suaalo ka weydiisay wiilka madaxweynaha xaaladihii la xiriiray shilka gaari ee galaaftay nolosha muwaadinka Turkiga u dhashay ee Yunus Emre Göcer.
Shilkan ayaa dhacay 30-kii Noofambar 2023, iyadoo gaariga uu watay wiil uu dhalay madaxweyne Xasan uu ku dhacay mooto uu watay Yunus Emre Göçer, magaalada Istanbul. Yunus Emre Göçer ayaa u dhintay dhaawac laba toddobaad ka dib dhacdada.
Intaa waxaa dheer, maxkamadda magaalada Istanbul ayaa si fiican u eegtay kiiska, taasoo keentay in lagu soo oogo Maxamed Xasan Sheekh. Dacwada maxkamada ayaa loo qorsheeyay in ay dib u bilaabato bishan Janaayo 16-keeda.
Goor sii horeysay, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa faray wiilkiisa oo 40-jirka ah, Mohammed, inuu ku laabto Turkiga oo uu si firfircoon uga qeyb qaato baaritaanka la xiriira shilka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska marxuumkii ku geeriyooday shilkaasi.