|

Afar reer Ukraine ah oo u gacangalay Al Shabaab

Muqdisho January 13, 2024 (QJ) -Afar qof oo u dhashay dalka Ukraine ayaa la sheegay inay saarnaayeen diyaarad Arbacadii ku degtay deegaan ay maamusho kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine.

Diyaaradan oo u kireysneyd Qaramada Midoobay ayaa ku guda jirtay howlo samafal ah, kolkii cilad farsamo ay ku khasabtay in ay ku degto degaan ay maamulaan AS.

Afhayeen u hadlay Ukraine ayaa tilmaamay in diyaaradda ay leedahay shirkad dalkooda ka diiwaan gashay isla markaana ay Qaramada Midoobay qandaraas la gashay. dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka hawlgeli doonto siideynta dadkii la socday diyaarada ee weli nool, balse arinkaa ayaa suurtagalnimadiisa la hubin.

Comments are closed