|

Wasiirkii Gaasaandhiga Somaliland oo iscasilay, Itoobiyana ku sheegay cadaw

-Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ayaa caawa iska casilay xilkii uu u hayey xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, sida uu baahiyey Telefishanka Horyaal ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye waxa uu ka soo horjeestay heshiiskii muranka dhaliyay ee Madaxweyne Muuse Biixi iyo Abey Axmed ku kala saxeexdeen Addis Ababa 1-dii January 2024. Heshiiskaas waxa ku jira Itoobiya inay hesho dhul-badeed ay siisato aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Cabdiqani Caateeye oo ka soo jeeda Saylac ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka biyo diideen heshiiska Muuse Biixi iyo Itoobiya, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhulka Soomaalida aan marnaba loo gacan gelin cid shisheeye ah.

Waxa uu walaac ka muujiyey sheegashada taariikhiga ah ee Itoobiya ay ku sheeganeyso dhulka Soomaalida. C/qani Caateeye ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in dadka lala socodsiiyo cawaaqibka ka dhalan kara heshiisyadan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in uusan ka mid noqon karin dowlad ku kaceysa falal ka hor imaanaya danaha iyo mabda’a Umadda Soomaaliyeed.

Iscasilaada Wasiir Cabdiqani Caateeye ayaa ku soo beegantay xili ay cirka isku sii shareertay xiisada iyo sawaxanka shacabka diidan heshiiska, mudaharaadyo ayaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay ka mid tahay Boorama, kuwaas oo ay dadwaynuhu diidmo uga muujiyeen heshiiskii dhawaan lala galay Itoobiya.

Comments are closed