Baarlamaanka Puntland oo doortay Guddoomiye iyo ku-xigeeno
-Maanta ayaa magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland waxaa ka dhacay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, kadib markii ay si heer sare ah loo soo agaasimay doorashada.
C/Risaaq Axmed Siciid ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Lixaad ee Baarlamaanka Puntland isagoo ka guuleystay saddex musharax oo kale.
Maxamed Barre Shire ayaa sidoo kale loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka. Waxa kale oo uu xilkaas kula tartamay dhawr musharrax.
Maxamed Maxamuud Ciise ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka maamulkaasi.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka 6-aad ee Puntland.
Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee mucaaradka ayaan weli ka hadlin doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka ang ang ku xigeenadiisa, iyagoo horay u dhaliilay qaabka loo soo magacaabayo xildhibaannada baarlamaanka.