Beesha Caalamka oo ka hadashay heshiiskii Addis Ababa
Moqdisho January 04, 2023 (QJ)- Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka walaacsan tahay xiisadaha ka taagan Geeska Afrika.
Miller oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidha is-beddelada ka socda Itoobiya iyo Somaliland iyo xiisadaha ka dhashay, waxa uu ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in dhammaan dhinacyada ay khusayso xal-u-helid dublamaasiyadeed si wax looga qabto xaaladda.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Matt Miller, ayaa intaa ku daray in Mareykanku uu aqoonsan yahay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee 1960-kii.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga Mr. Öncü Keçeli ayaa ka hadlay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen 1-dii Janaayo 2024.
Heshiiskan ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal ka madax bannaan Soomaaliya, taas oo ay ku beddeshay in qayb ka mid ah dhul badeedka Somaliland laga kireeyo.
Mr. Öncü Keçeli waxa uu walaac ka muujiyey Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Addis Ababa iyadoo aanay dawladda Soomaaliya ka warqabin oo aanay ogolayn.
“Waxaan xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Midowga Afrika ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, uu si dhow ula socday xiisadda ka dhalatay saxiixii Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Itoobiya iyo Gobolka Soomaaliya (Somaliland).
Gudoomiyuhu waxa uu ku baaqayaa in la is dejiyo oo la is ixtiraamo si loo qaboojiyo xiisada ka dhex aloosan Dawladaha *Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intaa waxaa dheer, wuxuu iftiimiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta mabaadi’da midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madaxbannaanida dhammaan waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.