|

Waddani oo dhaliishay heshiisyadii Muuse Biixi lagalay Soomaaliya iyo Ethiopia

Hargeysa January 02, 2024 (QJ) -War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee Somaliland ayaa looga hadlay heshiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xisbiga Waddani ayaa lagu sheegay inay jiraan heshiisyo iska soo horjeeda oo aanay hore u ogayn xisbiyada mucaaridka ah iyo goleyaasha sharci dejinta Somaliland, kuwaas oo ay la galeen dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawladda Itoobiya.

Xisbiga Waddani waxa ay war-saxaafadeedkooda ku sheegeen inay ka go’an tahay ilaalinta qaranimada iyo wadajirka Somaliland, waxaanay walaac ka muujiyeen heshiisyo aanay ka warqabin oo aanay ogolayn hay’adaha ay khusayso.

Xisbiga Waddani ayaa ugu dambayntii Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyey inuu dib u eego heshiis kasta oo uu la galo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo dawladda Itoobiya, isagoo ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in lagala tashado cid kasta oo ay khusayso iyo hay’adaha sharciga ah ee Somaliland.

Comments are closed